Gaalkacyo (INO) Ciidamada maamulka Galmudug oo maalintii shalay dagaal qadhaadh la galay kuwa Puntland ayaa shaaciyey inay dagaalkii Gaalkacyo ku qabteen Taliyahii Ciidanka Ilaaladda Cabdiweli Gaas iyo afar Saraakiil oo kale.
Warbaahinta ayaa waxaa lasoo gaadhsiiyey Teestaraha (Sawirka) Taliyaha Madaxtooyadda Garoowe, oo ay ciidamada Galmudug sawirro kasoo qaadeen.
Ciidamada Galmudug waxa ay sheegeen inay goordhow soo bandhigi doonaan Muuqaal ay kasoo duubeen taliyaha la qabtay iyo Sida ay Xaaladiisu tahay.
Idale News Online, Galkacyo