Daawo:Ganacsade Soomaali ah oo Guursan rabay Gabar Hindi ah oo la xiray

0
301

Hyderabad(INO) –Booliska magaalada Hyderabad ayaa xabsiga dhigay Ganacsade Soomaaliyeed oo doonayay inuu guursado gabar u dhalatay dalka India, kadib markii lagu eedeeyay ninkaasi qiyaano guur.

Sayd

Sidoo kale booliiska magaalada Xaydarabaad ee koonfurta dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay Labo dumar ah iyo nin oo ahaa Hindi dallaaliin u fududaynay ama isku xeray gabadha iyo ninka Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Sayid Ibrahim.

soomaali-guur-hindiSayid Ibrahim ayaa dillaaliinta oo u dhashay India, wuxuu siiyay 80 kun oo lacagta Rupee ee dalkaas ah oo u dhiganta 1’285 dollar. kadibna waxa ay ka soo shaqeeyeen in ay ninkan Soomaaliga ah u gacan geliyaan.

Booliska ayaa sheegay in gabadhan ay tahay gabar sharfan oo guur hore soo marin, degana magaalada Yakutpure, iyadoo dallaaliinta ay ku qanciyeen in ay guursato ninkan soomaaliga ah iyadoo aan ka heysan wax aqbaar ah iyo in uu naag iyo caruur qabo.

Qaadigii sameyn lahaa meherka ayaa ka shakiyay ninkan Soomaaliga ah iyo gabadha oo aan wadan wax documentiyo caddeyn ah, taasoo keentay in booliska uu ku wargeliyo, sidaasina loo xeray.

Sayid Ibrahim iyo dilaaliinta u qalqaalineysay guurka ayaa lagu soo eedeeyay qiyaano, iyadoo ay u xeran yihiin xeerka ciqaabta dalka Hindiya qodobbadiisa ciqaabta khiyaamada, maxkamadda Hyderabad ayaana amartay in xabsiga lagu haayo ilaa laga maxkamadeynayo.

Halkan K a Daawo.

Idale News Online, Haydrabad, India,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here