Daawo:Cabdikariim xusen Guleed Oo Cadaado Uga Dhawaqay Inuu Yahay Musharax, Hees Loo Ciyaaray iyo Khudbad

0
281

Cadaado(INO)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Cadaado kaga dhawaaqay musharaxnimada Madaxweyne ee maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

guuleed

Munaasabad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo ay kasoo qeybgaleen Odayaasha dhaqanka gobolada Mudug iyo Galgaduud, siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad kale ayaa waxaa uu C/kariin Guuleed kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada gobolada dhexe, sidoo kalana waxaa Halkaasi Loogu muujiyey Taageero iyadoona Fanaaniintu ay qaadeen Heeso loo sameeyay.

Nabadoon Maxamed Xassan Xaad oo ka mid ahaa odayaashii kulanka a hadlay ayaa sheegay in C/kariim Guuleed barnaamijka siyaasadeed ee uu soo bandhigay uu yahay mid wax badan ka bedeli kara xaaladda gobollada dhexe.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here