Jazeera(INO)-Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa Maanta sheegay in ay warshadii hore ee Sifeynta Batroolka ka saareen Ciidamo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi ay Gaysey.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamadda KG Soomaaliya ay maalmahan isku urursanayeen halkaas,isagoona Sida Uu Sheegey laga Soo abuubulay gudaha degmada Wadajir iyo Qiibo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayna doonayeen in ay degmada soo weeraraan balse ay ka hortageen, waa Sida hadaka U Dhigey e.
Axmed Afrax ayaa intaa ku daray in ay maanta weerar ku qaadeen Ciidamo Ka Tirsan Dowladda KG Soomaaliya Isla markaana Dhawaan wasaaradda Aminga KGS ay geysey, Degaanka Jazeera iyo Ceel-Huur oo ah Xadka U Dhaxeeya Goboladda Banaadir iyo Shabellaha Hoose.
Gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa sheegay in aysan aqabali karin in xuduud laga dhex sameeyo degmada Wadajir isagoo sheegay in warshada sifeynta batroolka ay ka tirsan tahay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ugu Dambeyntii Hadalka gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay aheyd uu iclaamiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Dowladda KGS Cabdullahi Sheekh Xasan in ay cayimeen xuduuda u dhexeysa Dowladda KG Soomaaliya iyo weliba Gobolka Banaadir, taliye ciidana u magacaabay deegaanka Jaziira.
Idale News Online, Jazeera