Daawo:Biyo la’aan baahsan oo maalintii 2-aad ka jirta Caasimadda India

0
187

New Dahli(INO)- Biyo la’aan baahsan, ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto Magaalada New Dalhi Ee Xarunta Wadanka India, waxaana suurtagal ah in toddobaadkanba ay Magaaladaasi ku jirto xaaladan adag.

Biyo la’aantan, ayaa ka dhalatay bannaanbaxyo rabshado wata oo ka soconaaya Gobolka Haryana oo ood wadaag la ah New Delhi. Bannaanbaxyadu waxay sababeen burbur ku yimid kanaalkii biyaha gayn jiray New Delhi. Boqolkiiba sideetan biyaha laga isticmaalo Caasimadda India, ayaa kaga yimaada Gobolka Haryana.

Qowmiyadda Jat oo ku xoogan Gobolkaasi Haryana oo iyadu bannaanbaxyadu wado, ayaa waxay ka cabaneysaa xuquuq ay sheegtay inay ka maqan tahay, illaa iyo inta xuquuqdoodu laga siinaayana ay sii wadi doonaan bannaanbaxyada.

Boqolaal booyado ah, ayaa saacadihii ugu dambeeyay la arkaayay iyagoo biyo gaynaaya Magaalada New Delhi, si xaaladda adag ee ka jirta ay wa xooggaa kaga tarto.

Dowladdu waxay ku baaqday in dadku ay si taxadar leh biyaha u isticmaalaan, ayna u adeegsadaan waxyaabaha daruuriga ah, illaa iyo inta wax laga qabanaayo xaaladda biyo la’aanta ah ee ka jirta Caasimadda.

Xukuumadda New Delhi waxay Axadii ku dhawaaqday in Isniinta aan la aadi karin goobaha waxbarashada, iyadoo ka duuleysa si aanay dadku biyo badan u isticmaalin.

A girl waits to fill water in her containers from a municipal tap in New Delhi, India, February 21, 2016. REUTERS/Anindito Mukherjee

Residents carry empty containers to fill water from a municipal tanker in New Delhi, India, February 21, 2016.  REUTERS/Anindito Mukherjee

Residents with their empty containers crowd around a municipal tanker to fetch water in New Delhi, India, February 22, 2016.  REUTERS/Anindito Mukherjee

Residents fill their empty containers with water from a municipal tanker in New Delhi, India, February 22, 2016.  REUTERS/Anindito Mukherjee

Delhi2-

Residents wait to collect water from a municipal tanker in New Delhi, India, February 22, 2016. REUTERS/Anindito Mukherjee

Delhi4Delhi5

Idale News Online, New Dalhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here