Ciidanka Itoobiya oo lagu weeraray Gobolka Shabellaha Hoose iyo gaari laga gubay

0
212

Ballidoodle(INO)- Ciidanka Militariga Itoobiya oo qayb ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu weeraray Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana hal gaari looga gubay weerarkaasi.

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Itoobiya, ayaa lagu weeraray afaafka hore ee Deegaanka Leego, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Wuxuu weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaca lagu aasay, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah.

Ciidanka Itoobiya, ayaa iska horimaad kulul kala kulmay Xoogaga Ururka Al Shabaab, inkastoo muddo ka dib ay u suurtagashay inay dib u riixaan, halkaasina ay ka jiitaan gaarigii laga gubay.

Goobjooge, ayaa wuxuu sheegay in qaraxa ku bilowday weerarkaasi uu haleelay mid ka mid ah kolonyadii Ciidanka Itoobiya, isla-markaana ay arkayeen qiiq xoog leh oo cirka isu shareeray.

Goobjoogahan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigin, ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Itoobiya aanay wax dhibaato ihi u gaysan bulshada halkaasi ku dhaqan, ka dib weerarka ay kala kulmeen Xoogaga Shabaab.

Ciidanka Itoobiya ee maanta la weeraray, ayaa ahaa kuwii la wareegay fariisimihii Ciidanka Burundi ay ku lahaayeen Leego, wixii ka dambeeyay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee Shabaabku 26-kii bishii June ku qaadeen Ciidankii Burundi ee deganaa Leego.

Weerarkan wuxuu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado Ciidanka Itoobiya, tan iyo markii ay soo saldhigteen Deegaanka Leeg.

Idale News Online, Balli-doogle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here