Hargeysa(INO)-Labada urur siyaasadeed ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI iyo siyaasiyiin ku mideysan madashada wadatashiga ayaa maanta si wadajir ah usoo saaray qodobo dhawr ah oo ay u jeediyeen maamulka Somaliland ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waxaa qodobadaasi ka mid ahaa in sifo sharci darro ah aanan loo adeegsan karin kheyraadka dalka, iyaga oo ka shanqariyey eedeymo la xiriira lunsi hanti iyo wax isdabo marin.
Halkan Ka Daawo.
- Waxaa qodobada ka mid ahSifo sharci daro ah u adeegsan kheyraadka dalka , kheyraadkuna yahay mid dadka oo dhan ka dhaxeeya
- In aysan jirin dhamaan heshiisyadii suuqa madoow lagu galay
- In la joojiyo boobka hantida dadweynaha
- In arrimaha dhaqaalaha lagu maamulo si sharciga waafaqsan
- In looga digayo xukuumadda in ay gasho heshiisyo cusub iyada oo uu waqtigeeda dhacayo
- In dekada Berbera aanan lagu wareejin karin cid kale
Goobta looga dhawaaqayay qodobadan ayaa waxaa ku sugnaa dad farobadan oo ka tirsan taageerayaasha labada xisbi, iyada oo uu sacab badan u dhacayay mas’uuliyiintii qodobada akhrinayay.
Idale News Online, Hargeysa,