Daawo: Shariif Xasan oo maalintii 3aad looga mudaaharaadey Baydhabo Iyo Walaaca UN_ka ka muujiyeen xiisada Baydhaba

0
167

Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatey imaatinka wafdiga xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan hogaaminaayo oo  dhamaantood weli ku go’doonsan xarunta ciidmada AMISOM ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa taageerayaasha maamulka lixda gobol weli wadaan mudaaharaadyo isdabajoog ah oo ay ku diidan yihiin dhismaha maamul ka kooban seddex gobol iyo in la burburiyo dowlad goboleedka KG  ee uu madaxda ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhaba ayaa raxan raxan u taagan wadooyinka kala duwan ee ee degmada, waxayna ku qeylinayaan halkudhegyo ay diidan yihiin wafdiga Shariif Xasan isla markaasta kor u lulaya boorar ay ku qoran yihiin Dooni Mayno Shariif Xasan, Dooni Mayno Seddex Gobol iyo kuwa kale, ay kaga soo horjeedaan qorshaha Shariif Xasan iyo dowlada federaalka Soomaaliya ay ku doonayaan in lagu dhiso maamul ka kooban seddex gobol.

Xildhibaan Shariif Xasan & wafdigiisa oo maalintii seddexaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku celiyey inay isagu ka go’an tahay dhismaha maamul ka kooban seddex gobol, kaasoo taageero ka haysta AMISOM, dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka.

Ergiga gaarka Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyey xiisad ka dhalatey maamulada iska soo horjeeda waxuuna qoraal uu maanta ka soo saarey shir ay ku lahaayeen madaxda sare ee AMISOM iyo qaramada Midoobe magaalada Addis Ababa in dowlada federaalka looga dambeeyo qorshaha maamul u sameynta dalka, isla markaasna la dhiso maamul sida uu yiri ka kooban seddex gobol. Hoos ka Dhageyso Nicholas Kay oo ka hadley xiisada gobolka Bay:
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/NICHOLASPOLITICAL.mp3]

Dowlada Federaalka iyo wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay la dhacsan yihiin qorshaha Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan go’aanka maanta uu qaatey Nicholas Kay ee taageerida mamul 3 gobol ah u muuqdaa mid hal dhinac ah, mana cada sida uu maamulka Nuunow oo haysta taageerada dadka ku nool gobolada Bay iyo Bakool iyo gobolada kale u aqbali karaan warbixinta qaramada Midoobey ee ay ku fareyso dowlada federaalka inay qabato shir lagu dhisaayo seddex gobol oo kaliya.

BAYDHABAO MAANTA
Idale News Online. Mogadishu