Waxaa maalinkii 3aad xiran dhamaan wadooyinka iyo goobaha waxbarashada magaalada baydhabo, taasoo sabab u ah xiisadaha siyaasadeed ee halkaas kajiro.
Maamulka Madoobe Nuunoow, ayaa lagu soo waramayaa ineey abaabulayaan banaan baxyo xoogan oo looga soo horjeedo dhinaca Shariif Xasan.
Waxaa soo baxaya baaqyo iyo digniino laga bixinayo xiisadaha ka jira magaalada, Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa ka digay falal lidi ku ah ammaanka iyo isku dhacyo dhex mara dhinacyada iska soo horjeeda ee xiisada siyaasadeed u dhaxeysa.
Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku haya ammaanka Shariif Xasan iyo wafdigiisa, waxaana taageerayaasha Maamulka lixda Gobol ay wadaa banaan baxa ka dhanka ah Shariifka iyo waxa uu u yimid Baydhabo.
War qoraal ah oo saacado ka hor uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Shariif Xasan ku beeniyay eedeynta ku aadan inuu hub kala soo degay garoonka Baydhabo, isagoo cadeeyay in aanu marnaba raali ka aheyn inuu dhib horseedo, hase ahaatee waxaa uu xusay in mowqifkiisa aanay jirin wax iska bedelay, isla markaana uu sii wadayo dadaalkiisa dhismaha Maamulka saddexda gobol.
Si kastaba ha ahaatee maalinta Khamiista ayaa qorshuhu yahay in la doorto Hogaamiyaha Maamulka saddexda gobol ee Koofur Galbeed, iyadoo tani ay jawaab u noqoneyso doorashadii Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee todobaadyo ka hor Baydhabo ka dhacday.
Idale News Online, Baydhabo