Muqdisho(INO)— Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cusmaan ayaa beeniyay warar sheegaya in dhul dan guud ah lagu wareejiyay Midowga Yurub.
Eng. Saalax ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin dhul dan guud ah oo lagu wareejiyay Hey’ado shisheeye.
“Wax Midowga Yurub oo la siiyay ma jirto, wax alla wixii dan guud ah, dan guud ayaa loo isticmaalayaa, haddii dowladdu dan guud bixineyso, waxaa loo isticmaalayaa dan guud sida Isbitaal iyo Iskuul”ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Siyaasiyiin ayaa dhowaan ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in dhul ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sanado ka hor laga bur buriyay dad rayid ah lagu wareejiyay Hey’ado hoos taga Midowga Yurub.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa uu isna dhowaan dhul ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ku wareejiyay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka.
Dhulalkii danta guud ee ay laheyd dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyay shaqsiyaad iyo Ganacsato, waxaana ka mid ahaa goobaha la bixiyay dhulal dan guud ahaa, kaalin shidaalo iyo dhismayaal dowladeed oo laga dhigtay Hotelo iyo maqaayado.