Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhacyo kale in ay soo wajahaan laga yaabo

0
210

Muqdisho(INO)-Khubaro Soomaali ah ayaa sheegay in laga yaabo in wali dib u dhacyo kale ay soo wajahaan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay khubaradaasi sheegeen in dib u dhacyadaasi aysan ahayn kuwo laga baaqsan karo hadii Golaha Hoggaanka Qaran uusan arinkaa wax ka qaban. Golahaa ayaa ka kooban 7 xubnoon.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa isna shalay Isniintii sheegay in dib u dhacyo badan oo kale ay dhici karaan hadii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa ah gobolada maamul u samayntoodu ka dhimman tahay federaalka. Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamul loo yagleelo ka hor inta doorashadu aysan dhicin.

Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ayaa labaduba ka tirsan Golaha Hoggaanka Qaran.

Madaxweynaha iyo raisul wazaaraha ayaa labaduba  waxay yihiin murashaxiin u sharraxan jagada madaxweynenimo!

Intaa ayaa hase ahaatee caqabaduhu aysan ku koobneyn oo caqabado ka badan ku kala duwanaan siyaasadeed ayaa haatan jira.

Diyaar garow xumo iyo is aaminaad la’aan ayaa kujira caqabadaha hor taagan doorashooyinka.