Daawo: Wasiirka Amniga Iyo Sarakiisha Nabad Sugida KGS Oo Kormeerey Baraha Kontaroolada Baydhabo

0
213

Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku maray Baraha Kontorolada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee Magaalada Baydhabo.

Kormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku wehliyay Saraakiisha Nabadsugida Koonfur Galbeed Soomaaliya waxayna ujeedada kormeerku ahayd unkuur gelida sida ay howl wadeena nabad sugida u wadaan howsha loo xilsaarey iyo dar dargelinta sugida amniga.

Wasiirka iyo saraakiisha kormeerka ku wehliyay ayaa indha indheeyay habsami usocodka baraha koontorol ee gudaha iyo banaanka magalaada baydhan.,

Ayagoo amaan iyo dhiiri gelin usoo jeediyay howl wadeenada heyadaha Amaanka ee ku sugnaa barahaas. Si kastaba ahaatee waxay 2 dii todobaad ee ugu dambeysay wasaaradda Amniga KGS Ay ku howladeen sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahayd Laamaha kala duwan ee heyadaha amniga ee KGS si loo xoojiya nabad gelyada magaalada baydhabo oo xarun kmg ah u ah Dowlada Goboleedka KGS.

wariikawarkii2wasika1

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here