Daawo: Shirka Wacyi-galinta DFS Iyo KGS Ee Dib U Eegista Dastuurka Oo Maanta Ka Furmey Magaalada Baydhabo

0
213

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka furmey shirka wacyigelinta Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Dib u eegista Dastuurka.

Furitaanka shirka Waxa kasoo qeybgaley Sharif xasan sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kalena waxaa kaloo dahfurey wasiirka dastuurka DFS Xuseen sheekh Maxamuud Batni.

Shirarkan looga hadlayo dib u eegista Dastuurka ayaa socon doona 14-17 bishan, waxaana aragtida iyo fikradaha la isku dhaafsan doono ay noqon doonaan kuwo la uruurinayo, isla markaana la soo bandhigayo.

Ugu dambeyntii, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan daah furay shir ku saabsan dib u eegista Dastuurka, iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho ay gaareen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here