Daawo Wareysi Dheer: Afhayeenka Barlamaanka Somalia oo sheegey in Diiwaan-gelinta Nidaamka Xisbiga Badan si degdeg dalka looga dhaqan gelin doono.

0
213

Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, oo wareysi dheer siiyey Television Somali Channel ayaa sheegay  in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka looga hirgelin doono nidaamka axsaabta badan oo dadka Soomaaliyeed awood u siinaaya iney doortaan cidii ay rabaan.

Mudane Prof Jawaari ayaa sheegey in dhamaadka  kalfadhiga 2aad ee Barlamaanka oo ku aadan 20ka June in Xubnaha barlamaanka loo qeybin doono sharuucda hirgelinta Nidaamka axsaabta badan, Waxayna xildhibaanada si rasmi ah ugu doodi doonaan furitaanka Kalfadhiga 3aad ee barlamaanka kaasoo  ku beegan bilowga bisha September ee sanadkaan aan ku jirno ee 2013 .

Sidoo kale Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari ayaa sheegey in shacabka soomaaliyeed ay u balanqaadeen kuna dhaarteen in dalka ay ka hirgelin doonaan 2016 doorashooyin xor ah oo dalka Somalia ka dhaca  2016. Jawaari ayaa si xusay in sanadka  2016 dalka intii gacanta dowlada ku jirta doorasho xor ah ay ka dhici doonaan si aysan mar kale u dhicinin in ay soo noqdaan nidaamyadii doorasho ee 20kii  sano ugu dambeeyey dalku ka jirey ee  awoodda badan siinaayey hogaamiye kooxeedyada iyo  awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee 4.5 etc.

Daawo Wareysiga oo dhinacyo badan leh balse kaga hadley arrimaha ay ka mid ka ahaayeen Dastuurka iyo Nidaamka Xisbiyada Badan iyo hirgelintiisa sanadka 2016:

Idale News Online Mogadishu