Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta sedex cisho ku yimid dalka Kenya. Waxaana madaxweyneyaasha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kenya Mr.Uhuru Kenyaata la filaayo in ay ka wada hadlaan iskaashiga dhinaca Nabadgelyada iyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee 22 sano ku nool dalkaasi.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehliya marwadiisa Qamar cali Cumer, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Safiirka Somalia ee dalka Nairobi Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaayaa inuu dalka dib ugu soo laabta maalinta khamiista ee soo socota.
Idale News Online.