Daawo: Shirka Jaraa’id ee Barre Hiiraale kaga digaayo in la marin habaabiyo shirka Jubooyinka

0
224

Shir Jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho ku qabteen Golaha Midnimoada & Nabada oo uu hogaamiyo Korneel Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa uga digay maamulka kmmg ee Jubba ee uu madaxda ka yahaya Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Urur-goboleedka IGAD in ay carqaladeeyaan shirka dib u heshiisiinta jubooyinka oo bisha October 1deeda la rabo in la qabto.

Axmed-Us-Barre3-300x171

Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ku eedeeyey Maamulka Axmed Madoobe in ay wadaan qorshe iyaga gaar u ah oo ay ku doonaayaan in shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo Gedo ay iyagu majaraha u qabteaan kaasoo uu Barre ku tilmaamey inuu yahay mid ka hor imaanaaya heshiiskii ay maamulkaas la galeen dhowaan.