Daawo Sawiro:Qaraxii ka dhacay Duleedka Muqdisho

0
323

Muqdisho(INO)—Ugu yaraan 18 Ruux ayaa ku dhimatay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo garay Qarax miino oo Gaari BL ah ku haleelay Degaanka Lafoole ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan miino ayaa la doonayay in lala eegto Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi marayay balse waxaa uu haleelay Gaarigan BL-ka ah oo Rakaab fara badan u siday Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska, C/qaadir Maxamed ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 18 Ruux oo Shacab ahaa.

Nuur Axmed oo ku socdaalayay Wadadaasi ayaa sheegay Gaariga Qaraxa haleelay uu si xawaaro leh uu ku dhaafay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada.

 mini_7mini_1mini_2mini_3mini_4mini_5

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay