Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kadib markii lagu diiday Guddigii uu soo magacaabay laba todobaad ka hor.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku soo magacaabay Guddigan oo ka kooban 22 xubnood, si ay garwadeen kaga noqdaan Doorashooyinka Guud ee sanadkan ka qabsoomaya dalka.
Guddigan 15 ka mid ah waxa ay yihiin rag, halka 7-da kalana ay dumar yihiin, waxaana magacaabidoodu lagu saleeyay heer federaal iyo heer gobolba, sida ku cad wareegtadan.
Guddigan ayaa waxa ay hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faah faahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.
Madaxweynaha ayaa bartamihii bishan magacaabay Guddiga doorashooyinka oo ay ka dhex muuqdeen sagaal Wasiiro ka socday Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, inkastoo markii dambe wasiiradaas laga saaray.
Siyaasiyiin badan ayaa durbaba ka soo horjeestay xubnaha ku jiray guddiga doorashooyinka ee horay Madaxweynaha uu soo magacaabay, kuwaasoo loo arkayay inay yihiin saaxibada Madaxweynaha.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADA
- Cumar Maxamed Cabdulle
- Burhaan Cilmi Xirsi
- Mustiim Wayd
- Maxamed Keynaan
- Saciid Jaamac Cali (Qorsheel)
- Nafisa Geeddi Santuur
- Maxamed Cali Diiriye
- C/raxmaan Sheekh Mucaawiye
- Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
- Saciido Maxamed Mausciid
- Aweys Abuukar Sokorow
- Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
- C/casiis Sheekh Xuseen Dayib
- Salaad Cali Ibraahim Catoos
- Aadan C/naasir Maxamed
- Cabdullaahi Salaad Yarow
- Yaasiin Cabdi Jaamac
- Axmed Maxamed Saciid
- Fardowsa Maxamed Ducaale
- Aamina Cabdullaahi Dheerow
- Raaxo Maxamed Janaqow.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay