Daawo Sawiro:Macluul Daran Oo Heysata Carruurta Ku Nool Koofur Galbeed Soomaaliya

0
511

Baydhabo,(INO):-Caruur la ildaran nafaqo darri oo ay tiradoodu gaareyso ayaa 24-Kii Saac ee lasoo dhaafay lasoo gaarsiiyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay, kuwaas oo laga kala keenay gobalada Bay, Bakool iyo Gedo.

Cisbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la dhigay illaa 118 Carruur ah oo la ildaran Xaalad Nafaqo darro oo aad u liidata.

Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Baydhaba Dr Cabdifataax Ibraahim Xaashi,oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Nambarka caruurta nafaqadarada la ildaran ay tahay tii ugu badneyd ee abid uu qaabilo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo.

“Caruurta Nafaqo darro ayay la ildaranyihiin, waxaa laga kala keenay Bay,Bakool iyo Gado tuulooyinka baadiyaha ee hoostaga, da’dooduna waxa ay u dhaxeysaa 1-5 Sana Jir”. Ayuu yiri Dr C.Fartaax.

Dr Cabdi Fataax ayaa sheegay in Xaaladdani ay ka dhalatay Abaar iyo Roob la’aan isbiirsaday oo ka taagan goballada laga kala keenay caruurta nafaqo darrada la ildaran ee Cisbitaalka la jiifiyay.

Maamulaha Cisbitaalka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay, in Cisbitaalku aanu awoodin tirade bukaanka Cisbitaalku qaabilay isagoo Xusay in 60 Sariir Cisbitaalka loogu talagalay maantana ay jiifaan 118 Caruur ah walina ay cabsi weyn ka qabaan in tiro hor leh lasoo gaarsiiyo.

“Cisbitaalka ICRC ayaa gacanta ku heysa Qeybta Quudinta Caruurta Nafaqo Darada la ildaran waxaa loogu talagalay 60 Bukaan, Balse Maanta waan qaabilnay 118 Caruur nafaqo darro ay heyso, waa dareemi kartaa Culeyska ay leedahay inagoo wali kasii cabsi qabno in tiro hor leh Cisbitaalka la soo gaarsiiyo maadaama Abaar iyo Roob la’aan laga soo sheegayo Gobalada Baay,Bakool iyo Gado”. Ayuu raaciyay Dr C.fartaax.

Arrintaan ayaa imaaneysa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay Go’doon galisay shacabka ku nool deegaanada farakutiriska ah ee ay kaga suganyihiin Gobalada Xaaladda Macluusha ah laga soo sheegayo, waxaana jira caruur kale oo amni darro darteed uga soo gudbi Karin meelaha ay ku sugantahay Kooxdaasi.

134678indexSawir Qaade Siraaji Sh Isxaaq.

Isha: SONNA

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay