Baydhabo(INO)-Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaflad sagootin ah qaarkood Baydhabo loogu sameeyay Habeenkii Xaley, iyadoo munaasabadan u ka qayb-galay Mas’uuliyin Ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, waxgarad Xildhibaano Wasiiro, saraakiisha ciidamada Itoobiya, Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo.
Mas’uuliyiinti ka hadashey munaasabadda ayaa ammaan u jeedeen ciidamada Militaarka Dowlada Itoobiya ee AMISOM Ka tirsan, iyagoona xusay inay howlo badan qabteen intii ay ku sugnaayeen gobollada Bay iyo Bakool.
“Waxaan codsanayaa in ciidanka bedelaya kuwan ay tababarro siiyaan ciidanka maamulka KMG Koonfur-galbeed, si ay awood ugu yeeshaan inay sugaan ammaanka deegaannada uu maamulku ka taliyo,” ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo xafladda ka hadlayay.
Halkan Ka Daaawo Sawiradda
Isha Sawiradda: Wasaaradda Warfaafinta KGS
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay