Baydhabo(INO)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa lagu qabtay Bay star Guest House Ee Magaalada Baydhabo, Munasabadaasi waxaa ku qalinjabinayey ardayda Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee (USS), oo ka kala qalin-jabiyey kulliyadaha kala ah:
- Maamulka iyo Maaraynta)
- Kulliyadda Caafimaadka
- Kulliyadda Waxbarashada
Xafladda qalin jabinta ardayda Jaamacadda waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Prof. Maxamed Cali Kalay guddoomiyaha Jaamacada USS, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng. Salah Sheekh Cismaan Muuse, Wasiirkii hore Gashaandhiga Cabdiraxmaan Maxamuud Fiqi, Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdiraxman Sheekh Ibrahim Xaydar, Bariyaasha Jaamacadaha Baydhabo, Maamuliyaasha Iskuulada, Waalidiinta,ardada iyo Hay’adda Mercy Corps ma’suuliyiin ka socotay.
Madaxda ayaa ku dheeraatay horumarka ay jaamacaddu tiigsanayso iyo waxa ay bulshada u qabatay, waxayna u rajeeyeen ardayda iyo maamulka Jaamacadda horumar iyo guul.
Hormuudka Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay iyo Eheladooda ,wuxu sido kale u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada USS oo uu sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii ardaydan ay heerkan uso gaari lahaayeen ,wuxuuna dhanka kale amaanay waxyaabihii ay qabteen ardayda mudadii ay dhiganaayeen jaamacada.
Gudoomiyaha Jaamacada USS Mudane Prof. Maxamed Cali Kaalay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydaasi qalin-jabiyeen ayna dhammaystireen dhammaan shuruudihii qalin-jabinta Jaamacadda.
Munna Cabdalla Shariif Oo ka Mid ahayd ardeyda Qalan jibinaysey oo ku hadlsay Magaca aradayada qalinjabisay ayaa uga mahadcelisay dadaalkooda maamulka iyo Macalimiinta jaamacad Koonfurta Soomaaliya iyo waalidiinta
Ugu dambeyntii, Ardayda ka qalinjabiyay Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo ayaa ka mid noqonaaya Aqoonyahano oo ka qalin jabiyey Jaamacada mudadii ay furnayd, waxaana xafladda kala soo qaybgalay aqoonyahano horey uga qalin jabiyey.