Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen masuuliyada qarax maanta lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo miino lagu xiray gaarigiisa kadibna lagu qarxiyay.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee afka Shabaab ku hadasha u sheegay inay ka dambeeyeen masuuliyada dilka maanta loo geystay Xildhibaan Isaaq Riino.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in isla qaraxaasi ay ku dhaawaceen Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamuud Cabdi Dhuux.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa qaraxa waxaa loogu xiray kursiga darawalka uu fariisyo qeybtiisa hoose, isaga oo markii uu gaariga galay, kadibna dhaqaaq uu la qarxay gaariga.