Baydhabo(iINO)—Banaanbaxayaal Careysan ayaa waxay maanta iskugu soo baxeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxayna dadkaasi kasoo horjeedeen Sawiradii uu dhawaan Faafiyey Wargeyska Charlie Hebdo ee Nabigeena (N.N.K.H) uu ku Aflagaadeeyey.
Waxa dibadbaxayaashu ay sheegeen inay ka xun yihiin Aflagaadada uu ka faafiyey Suubanaheenii Muxamed (S.C.W).
Banaanbaxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa daba socda Dibadbaxyo ka dhacayey maalmahan dambe Qaar ka mid Degmooyinka Dalka Somaliya iyo Caalamka oo looga soo horjeedo Wargeyska Charlie Hebdo.
Halka Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Baydhabo