Warbaahinta ayaa heshay Sawiro laga qaaday gaadiid iyo hub ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka qabsadeen Ciidanka Dowladda Kenya.
Dukumiintiyada a waxaa ku jira aqoonsiga laba Sarkaal oo Ciidanka Kenya ka tirsan mid kamid ahna uu yahay Sarkaal Caafimaad kuwaas oo kooxda Al-Shabaab sheegtay inay ku dileen dagaalkii Mandhera ku dhexmaray dableey Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya.
Baabuurta Ciidanka lagu qaado oo leh taarikada Kenya ayaa ka mida Gaadiidka ay Al-Shabaab ku qabsadeen dagaalkii Mandera ku dhexmaray iyaga iyo Ciiamadda Kenya.
Al-Shabaab ma sheegan inay maxaabiis ka qabteen Ciidanka Kenya hase yeeshee wuxuu bandhigooda sawirada ku beegan yahay xilli uu sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo lagu magacaabo Fuad Maxamed Khalaf uu sheegay inay dagaalkii gudaha Somalia u wareejiyeen gudaha Kenya.
Idale News Online.