Daawo: Arday oo Maanta Ka Qalinjebisay Jaamacada Koonfurta Soomaaliya (USS) ee Baydhabo Jaaay.

0
254

Sagaashan iyo shan arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa ka qelinjebiyay Jaamacada Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ee caasimada Koonfur Galbeed.


Xaflad lagu maamuusayay qalintajebinta ardayda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo Janaay, waxaana ka qeybgalay maamulka jaamacadda, Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mas’uuliyiinta maamulka Magaalada Baydhabo, saraakiil ka socotay AMISOM iyo marti sharaf kale.
Ardayda ayaa ka qalinjebisay kuliyadaha caafimaadka iyo maamulka iyo maareynta.
Guddoomiyaha Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Kallaay oo xafladda qelinjebinta ka hadlay ayaa sheegay in ay ardayda tahay dufcaddii afaraad ee ka qalinjebisa jaamacadda.
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Dr. Maxamed Cali Xaamuud, oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ay waxbarashadu tahay muhiim, wuxuuna ardayda ku boorriyay in ay bulshada uga faa’ideeyaan aqoontooda.

 jaamacad

Idale News Online, Baydhaba.