Daawo Sawiradda: Wax ka Ogow Shaqsiyada Gudoomiyaha Cuub ee Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida.

0
182

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida  G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare “Cumda” wa sarkaal ka tirsanaa hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, xilal kala duwana ka soo qabtay.

G/sare C/raxman Maxamuud “Cumda” gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida xilalka uu hore uga soo qabtay hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka waxaa ka mid ah 1-hoggaanka arrimaha dibadda 2-hoggaanka baarista dembiyada 3-hoggaanka tababarrada iyo qorsheynta iyo xilal kale.

Sidoo Kale gudoomiyaha cusub G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare waa nin qaanuunka dowliga ah Master Digree ka heysta, waxna ku soo bartay dalka Masar, haddana wuxuu xiriirka caalamiga ah ku diyaariyaa shahaadada PHD.

Gudoomiye C/raxman Maxamuud Tuuryare waxa uu darajada ciidamada ka gaaray Full Colneyl, waxeyna dadka yaqaan ku tilmaamaan inuu yahay shaqsi karti badan, firfircoon, hal abuur leh islamarkaana leh maskax furan iyo aragti fog.

G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare ayaa looga fadhiya in uu dardar geliyo howlaha Maxmada sare ee ciidamada qalabka  sida islamarkaana uu hagaajiyo nidaamka garsoorka maadaama uu yahay aqoonyahan soo bartay qaanuunka dowliga ah.

tuur 1tuur 2tuur 3

Idale News Online.