Daawo Sawiradda:Itoobiya oo Maraakiib soo iibsatay xili aysan wax Bad ah laheyn.

0
233

Dowladda Ethiopia ayaa soo iibsatay 2 markab oo waaweyn, xaflad lagu soo bandhigeyna waxaa dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ethiopia ma lahan bad, lamana oga halka ay ku isticmaalayso maraakiibta, laakiin xafladda xarigga looga jarayay waxa ay ka dhacday dalka Jabuuti halkaasi oo madaxda Jabuuti iyo Jubbaland ay isku maamuus oga qeybgaleen.

Inkasta oo safarka Axmed Madoobe uu ku tagay Jabuuti uu ahaa casuumaad uu ka heley madaxweynaha Jabuuti ayaysan ka marneyn qorshihiisa hawlaha maraakiibta Ethiopia.

Maraakiibta waxa ay dhanyihiin 9 markab, waxay qaadi karaan 28 kun oo Tan, mid kasta waxa uu matalaa 9-ka gobol ee Ethiopia ka koobantahay iyadoo mid kasta loogu magacdaray magaalo madaxda gobol kasta, sida Jig Jiga oo kale.

Waxaa la sheegey in ay maanta ku beegantahay sanad guurada 50-aad ee laanta gaadiidka Badda Ethiopia, iyada oo dabcan la xisaabinayo ka hor intii aysan Eritrea ka go’in Ethiopia 1990-kii.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia Hailemariam iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa xarigga ka jaray qaar ka mid ah maraakiibta oo xaflado kala duwan loo qabtay.

maraakib-ethiopiamarkabIdale News Online.