Wafdigii Dawladda Puntland ee uu hogaaminaayey Madaxweyne Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kulan la qaatay Wafdigii Wasaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo uu hogaaminayey Mudane John Kerry kuna sugnaa magaalada Addis Ababa ee xarunta alka Itoobiya.
Wafdiga Prof. Gaas ayaa ugu horeyntii uu kulan salaan iyo is arag uu dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Kadib kulan dheer la qaatay Ku-xigeenka Wasiirka ahna qaabilsanna Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield. Kulanka ayaa sidoo kale ka soo qaygalay Safiirka Marykanaka u qaabilsan soomaaliya Mudane James P. McAnulty iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Safaarada Marykanka ee Itoobiya Mudane Brendan Gough.
Dhanka Dawladda Putland ayaa Madaxweyne Cabdiweli ku weheliyey shirka Wasiirka Amniga Mudane Xassan Cusmaan Aloore iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame.
Prof. Gaas, kulanka uu la qaatay wafdigii Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka uu hogaaminayo wasiir John Kerry ee hada booqashada ku jooga dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu yahay mid muhimad weyn uleh dowladda Puntland,waxaana inta uu socday kulanka lugu soo qaaday sidii Puntland gacan looga siin lahaa arrimaha amaanka iyo dardargelinta taageerada Maraykanku ku bixiyo arrimaha Soomaaliya oo Puntland qayb ka tahay.
Idale News Online.