Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay si kulul uga hadashay Qunsulka la sheegay in Dowlada Kenya usoo Magacawday Gobolada Jubooyinka, halkaas ay joogaan Kumanaan katirsan Ciidamada Kenya.
Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Tilaabada ay Dowlada Kenya Qunsulka ugu soo Magacawday Gobolada Jubooyinka , waxa uuna tilmaamay in tilaabadan ay qaaday Dowlada Kenya ay tahay mid ay horey u filayeen .
Halkan Ka Dhageyso:
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/05/Sh-Cali-Maxamuud-Raage.mp3|autostart=yes]Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay dooneyso in Gobolada Jubooyinka ay ka jarto Dalka Soomaaliya intiisa kale ayna ku biiriso Dhulka Kenya heesato , waxa uuna intaa raaciyay in Tilaabada Kenya Qunsulka ugu soo Magacawday Gobolada Jubooyinka ay muujiniseyo Qorshaha qarsoon ee Kenya wadato.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay Dowlada uu Madaxaweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud in ay tahay mid dabadhilif u ah Dowladaha Dariska , wuxuuna cadeynteeda taasi ku tilmaamay in Dowladda Kenya ay hada doonayso inay xalaaleysato Gobolada Jubbooyinka.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku hanjabay in Dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusugan Gobolada Jubooyinka ay kor dhin doonaan Dagaalka ay kala horjeedaan Dowlada Kenya uu tilmaamay in ay tahay mid dooneysa Gumeesi iyo in ay Gobolada Jubooyinka Dhulka ay heesato ku darto.
Hadalka AL-Shabaab kasoo baxay ayaa imaanaya xili Dowlada Kenya dhawaan Qunsul aysan ka warqabin Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya usoo Magacawday Gobolada Jubooyinka , waxaana arintaan Kenya ku dhaqaaqday laga bixiyay fasiraad kala duwan.
Idale News Online.