Dhageyso:Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed+ Daawo Sawiradda

0
217

Muqdisho(INO)-Munaasabadan oo maanta lagu qabtay hotelka City Place ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno katirsan golayaasha dowladda iyadoo ay goobjoog ahaayeen ehelada iyo waalidiinta caruur agoon ah oo ay xanaaneyso hay’adda Qatar Charity oo laga leeyahay wadanka Qatar ee aynu walaalaha nahay.

Munaasabadan ayaa waxaa hay’adda Qatar Charity ay kusoo bandhigeysay caruur agoon ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 1400 oo sanad weliba loo qabto muhrajaan ay ku muujinayaan farxadooda iyo sida ay wax u barteen inta ay gacanta ku heysay hay’addaasi.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Proff. Maxamed Cismaan Jawaarey.

Caruurtan oo ay ka muuqatay farxad iyo daryeel ayaa waxaa mas’uuliyiinta Qatar ay sheegeen in ay ku dhalisay xanaaneyntooda markii ay arkeen dhibaatada heysata caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah maadaama ay yareyd daryeelka ay heli jireen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goobta ka hadlay isagoo caruurta la qeybsanayay farxadooda ayaa ballan qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu dadaal u geli doono sidii agoontu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda gaar ahaan dastuurka qaranka lagu qoro xuquuqda agoonta Soomaaliyeed.

j1j2

j3

j4

j5

  Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here