Daawo Sawiradda: Cuduradda Bidaarta & HIV/AIDS oo Daawo loo helay & Soomaali badan oo laga daweeyay.

0
511
Waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi Xaflad si Wayn loo soo Agaasimay oo lagu soo Bandhigayay Dawo la sheegay in lagu Dawaynayo dadka ay ka guraan Timaha ama Bidaarta iyo Wixii soo Raaca.

Mas’uuliyiin ka socoto Maamulka al-Huda Herbal Clinic Marti sharaf iskugu jirta Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa halkaas iskugu Yimid, waxaana lagu soo Bandhigay Dawooyinkaas oo la sheegay in ay Dawaynayaan Timaha Gura bidaarta iyo Wixii soo Raaca, Waxaana halkaas ka hadlay dad iskugu jira rag iyo Haween oo isticmaalay Dawooyinkaas ogaadyna faa’iidada Dawooyinkaas ay leeyihiin.

Sheekh Farxaan Cali Ibraahim (Dhimbil) oo ah Maamulaha Al-huda Herbal Medical ayaa wuxuu Xaqiijiyey inay Daawooyin u heleen Bidaarta, waxa uuna sheegay in arintaan ay ku dadaaleen Sanado badan in ay Helaan Dawaad Bidaarta.

Sheekha oo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa tilmaamay in xarunta Al-Huda ee uu ka yahay Maamulaha ay Daaweeysay dad badan oo ay gashay Bidaar, isagoo tilmaamay in bidaarta ay ku timaado Sedex Siyaabood oo kala ah Timaha oo Nafaqo u baahan isla mar ahaan Taasna heli waaya Nafaqdii, Dhalasho qofka oo qoys ahaan u dhaxla bidaarta sida aabihiis ama awoowahiis ama abtigiis oo bidaar lahaa iyo Fakar badan.

Dhanka kale, Sheekh Farxaan ayaa sheegay inay Daaweeyaan Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, isagoo tibaxay inay dad badan ka daaweeyeen cidii danaynaysana ay lasoo xiriiraan Xaruntiisa oo ku taala Xafaadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Sh. Maxamed Dahir oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka Hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada laga Helay Daawada ay keeneen Al-huda Herbal Medical iyo sida dadka uga Faa’idaysteen.

Siyaad siciid oo ka mid ahaa dadkii Isticmaalay Dawada Bidaarta ee Al-huda Herbal Medical ayaa sheegay in uu ku Nastay dawada waxa uuna sheegay in ka hor intii uusan Dawada Isticmaalin ay Tinta Guri Jirtay,Waxa uuna sheegay in Timaha ay hada Caadi ku soo Noqdeen.

Mustaf C/qaadir oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Al-huda Herbal Medical ayaa sheegay in Dawadan Test lagu sameeyay lagu ogaaday in ay tahay Dawo wax badan ka qaban karta Bidaarta iyo Timaha oo Gurma.

Sidoo kale Maamulaha Al-huda Herbal Medical Sheekh Farxaan Cali Ibraahim (Dhimbil) ayaa sheegay in ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka caalamka sida Sacuudiga, Australia, K/afrika iyo Wadamo kale oo Caalamka ku Yaala.

Ugu danbayntii Waxaa halkaas dadkii joogay Lagu Gudoonsiiyay abaal marino kala Duwan, gaar ahaan Dawooyinkii halkaas lagu soo bandhigay, dadkii sida gaar ka ah Dawooyinka u qaatay waxaa la siiyay Dawooyin Free ah.

Picture-150Picture-189Picture-139Picture-180Picture-119 Picture-121


Idale News Online.