Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa faahfaahin ka bixiyay shir uu uga qeyb galay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo looga hadlayay dhibaatooyinka badaha.
Shirka oo socday muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay 21 agaasimeyaal guud oo kala matalayay wasaaradaha gaadiidka badda ee waddamada Afrika iyo Carabta.
Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sheegay in agaasimeyaasha shirka isugu yimid ay go’aamiyeen in waddamada gobolka ay la wareegaan maamulka badahooda, isla markaana ay ka madax-bannaanaadaan hay’adda badaha caalamka ee maamula badaha.
Dhagaxtuur ayaa tilmaamay in ay sidoo kale agaasimeyaashu isku raaceen in Muqdisho laga hirgeliyo xarun ay ku wadaagaan waddamada Afrika iyo Carabta warbixinnada ku saabsan dhibaatooyinka lagu hayo badaha, maadaama ay maraakiibta shisheeye qaarkood wasaqeeyaan badaha, isla markaana ay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan xarumo hore oo shaqadaas qabta oo ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Tanzania iyo Jabuuti.
Shirka ayaa gogol-xaar u ah shir heer wasiirro ah oo la filayo in bisha soo socota ee May lagu qabto magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Idale News Online,Dubia.