Goof Gaduud(INO)_ Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirro ay ku muujinayaan in ay gacanta ku hayaan deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay oo ciidanka dowladda Soomaaliya ay iskaga baxeen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay joogaan saldhigyadii ay joogi jiray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Koonfur Galbeed.
Gacan ku heynta deegaankaan ayaa isbed bedel ku yimid maalmihii la soo dhaafay, kadib markii dhowr mar Shabaab dagaal ay ku qabsadeen, balse markii dambe ciidamada Koonfur Galbeed ay ka saareen.