Donald Trump oo ku guuleystay doorashada madaxtenimo ee Mareykanka

0
164
NY(INO)- Musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka oo iminka lasoo afjaray tirinta codadkeeda. Trump oo 70-jir ah ayaa noqonaya madaxweynaha 45-aad ee soo mara dal-weynaha Mareykanka.

Doorashadan oo marxalado kala duwan soo martay ayaa ka duwaneyd kuwii horay usoo maray dalka Mareykanka, waxaana ay laheyd xamaasad gaar ah.

Dad badan ayaa waxaa ay aaminsanaayeen in Hillary Clinton kusoo baxeyso doorashadan.

Adduunka intiisa kale ayaa guusha Trump lagu soo dhaweeyay fajac, waxaana ay dadku wali u qaadan la`yihiin guusha uu gaaray.

Isha ku hay Calanka