Daawo Sawirada In ka badan 200-qof oo ku dhintay Mashaqo ka dhacday Dalka Turkiga.

0
219

In ka badan 200-qof ayaa ku dhintay goob dhuxusha laga qodo oo kutaala Magaalada Soma ee galbeedka Wadanka Turkiga kadib markii uu qarax ka dhacay goobtaasi dhuxusha laga qodo.

Qaraxa ayaa ka dhashay qeybta korontada ee goobta, waxaana wasiirka tamarta ee Turkey-ga, Taner Yildiz uu sheegay in 787 qof ay goobta ku jireen xilliga uu shilka dhacayay.

Kooxaha gurmadka Deg dega ee Dalka Turkiga ayaa xalay oo dhan ku howlanaa si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran usoo badbaadiyaan.

Mr Yildiz ayaa sheegay in gaaska suntan ah ee carbon monoxide uu ay shaqaalaha badankood u dhinteen, waxaana hada aad u murugoonaya ehelada dadka ku dhintay qaraxa ka dhacay goobta dhuxusha laga qodo

tur 9tur 1tur 2tur 3tur 5tur 6tur 7tur 8tur 9

 Idale News Online.