Iyada oo awooda Allah aysan aheyn wax lala yaabo hasa yeeshee ku cibra qaadasha u baahan, ayaa waxaa dalka Australia ku dhashay laba gabdhood oo leh jir hal ruux oo kale hasa yeeshee laba maskax iyo laba waji kala leh.
Renee Young oo ah hooya horay u laheyd 7 caruur ah ayaa caruurtaan dhashay sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiir ku sugan isbitaal caruurta loogu tala galay oo Sydney ku yaalla
Xaalada nuucaan oo kale ah ayaa la sheegaa in loogu yeero diprosopus, maadaama inta badan jirka ay wadaagaan maskaxdana ay laba ruux ahaan u sameysanyihiin.
Renee oo ah hooyada caruurtaan iyo seygeeda Simon Howie ayaa waxa ay ka walaacsanyihiin sida caruurtaani ay kusii noolaan karaan iyaga oo caafimaad qaba.
Idale News Online.