Daawo: Safaarada Somalia ee Kenya oo casho sharaf u sameysay kooxda qaranka Somalia

0
179

Safaarada dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa casho sharaf u sameeyay cayaartooyda iyo mas’uuliyiinta hogaaminaysa xulka qaranka Soomaaliya, Safiirka Somalia ee Kenya Cali Ameeriko ayaa cayaartoyda kula dardaarmey in ay soo bandhigaan cayaar nadiif ah oo soo jiidata taageerayaasha Somalida, waxuuna u sheegay kooxda mataleysa qaranka Sanadkaan in looga fadhiyo inay guulo ka soo hooyaan tartanka, isla markaana ay difaacaan sharafta calanka Soomaaliya oo ay huwan yihiin.

Safiirka ayaan carrabaabin dhiirragelinta uu cayaartoyda u samaynaayo nooca ay tahay, waxaase la rumeysan yahay inuu balanqaad u sameeyey haddii ay guulo soo hooyaan.

Soomaaliya ayaa qaybta B ee tartanka CECAFA kula jirta kooxaha Burundi, Tanzania iyo Zambia, waana markii labaad oo ay xulalkaan isku qayb noqdaan saddex sano gudahood.

Cayaarta ugu horreysa tartanka waxay maalinta Arbacada 2-da duhurnimo ay dhex mmari doontaa xulalka Zanzibar iyo South Sudan, halka cayaarta labaad ee maalintaas 4:30 galabnimo ay dhex-mari doonto Kenya oo tartanka marti-galinaysa iyo xulka Ethiopia.
xulkaSomalia
Soomaaliya waxay cayaarta ugu horreysa ka hor-tagaysaa Burundi maalinta Khamiista ah oo ay 28 tahay November, cayaartana waxay ka dhici doontaa magaalada Machakos oo 62 kilo mitir u jirta caasimadda Nairobi.

Labada cayaar ee kale ee xulka dalkeenna Soomaaliya oo qorshaysan 9-ka iyo 16-ka December ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo Stadium oo Nairobi ku yaalla

martiqaadKooxdaQaranka

GROUP A- Kenya, Ethiopia, Zanzibar, South Sudan

GROUP B- Tanzania, Zambia, Burundi iyo Somalia

GROUP C- Uganda, Rwanda, Sudan and Eritrea.

Idale News Online