Xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo oo ay weli ku soo qulqulayaan ergooyinka beelaha Soomaaliyeed ee degan gobollada Koonfureed isla markaasna qeyb ka ah shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed (KG) iyo goob joogayaal caalami ah oo ka socda dalka Itoobiya, madax sare oo ciidamada AMISOM ka tirsan, iyo wakiilo ka socda qaramada Midoobey, ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyey shira ku soo biiray ergo uu hogaaminaayo Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose iyo koox fanaaniin ah oo gudaha iyo dibada ka kala yimid kuwaas oo lagu marti qaaday ka qaybgalka shirka.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, ciidamada nabad ilaalinta AMISON iyo ciidanka nabadgelyada gobolka oo iskaashanaaya ayaa xooga saarey aminga goobta shirku ka dhacaayo ee xaruntii ADC iyo ergada martida ku ah Magaalada.
Malaaq Cali Shiino oo ah Afhayeenka Beelaha Digil iyo Mirifle isla markaasna ah mid ah Gudiga qaban qaabada shirka ayaa Idale News Online u xaqiijiyay in ay soo dhameystirmeen inta badan wafuudii shirka lagu martiqaadey, dhismaha maamulka KG la guda gali doono maalmaha soo socda, sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtogal ah loo magacaabi doono guddiyo uu ka mid yahay guddiga farsamada oo howshiisu noqon doonto diyaarinta nidaamka shirka iyo sharuudaha musharixiinta u tartamaayo Madaxweynaha Maamul Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Malaaq Shiino ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in dhamaan odayaasha dhaqanka ee shirka ku sugan iyo ergaduba ka mideysan yihiin dhismaha lixda gobol sidaas darteed aysan marnaba suurtogal noqon karin in ay ka tanaasulaan in la kala qaado lixda gobol.
Malaaq Shiino oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in madaxda sare ee dalku la socdaan dhismaha lixda gobol, isagoona xusay booqashadii gudoomiyaha barlamaanku Somalia Mudane Max’ed Cismaan Jawaari ee magaalada baydhabo dhamaadkii bishii september ee sanadkaan kaasoo labada dhinaca (waa dowlada iyo odayaasha dhaqanka) si wadajir ah ugu heshiisyeen dhismaha maamul ka kooban lix gobol, isla markaasna heshiiskii Addis Ababa yahay mid aan la aqbali karin.
Dhageyso Malaaq Shiino [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Malaaq-Shiino.mp3]
Idale News Online