Daawo: Saakiisha Hay’ada NRC Oo Kormeerey 45 Bare Oo Tababar Ugu Socodo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo

0
267

Bydhabo(INO)-Hay’ada NRC masuuliyiinta oo ka kala socda Magaalada Xamar iyo Xafiiskooda Magaalada Baydhabo ayaa Maanta Kormeer Hawleed ku yimid Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo (University of Southern Somalia) oo ay ka socotay Tababar Macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada ay socodsiiyaan Hayadda NRC, Tababarkaas Macalimiintaa oo socon doono muddo Hal sano, macalimiintaas oo ay tiradoodu gaareyso  45 Bare, kuwaas oo dhammaantood ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gbolka Bay.

Masuuliyiinta Hay’ada ka socotay ayaa warbino ay is dhaafsadeen Masuuliyiinta Jaamacadda, dhinaca Jaamacadda USS waxaa ka warbixiyey Hormuudka Kulliyadda Wabarashada (College of Education) iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Proff. Maxamed Cali Kalaay , Kooxda Hayadda NRC Muqdisho o uu Hogaaminaayey masuulka ugu sareeyo Hayadda ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho Maxamed Xuseen .

Ugu dambeyntii wuxuuna ku dhiiri geliyey Macalinta in ay fursadda waxbarasho oo ay Hay”adda ugu deeqday ka faaiideystaan, jaamacaddana wuuxuu ku ammaanay sida sharafta oo ay hawsheedu ku wado.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here