Baydhabo(INO)-Waxaa Isa soo tarayo dhaliilada ku aadan sida loo xuley baarlamanka maamulka jubbaland oo dhawaan lagu shaaciyey, magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Goboladda koonfur galbeed soomaaliya Malaaq deerow, ayaa ku eedayey Maamulka axmed madoobe in uu jabiyey heshiisii ay wada gaareen iyaga iyo Dowladda koonfur galbeed soomaaliya, kaasoo dhigeyey in laga qiib galiyo beesha digil iyo Mirifle Hay’adah kala gedisan ee Jubbaland iyo Weliba in si siman loo qiibsado Xildhibaanadda maamulka Jubbaland.
Malaaq deerow, ayaa sheegey in Ay ogaayeen oo kaliye, in Beelaha digil iyo mirifle ay isaga baxeen shirkii Kismaayo isla markaana aan la qacin, ka dibna ay maqleen ku dhawaaqista baarlamanka jubbaland taasoo uu ku tilmaamey xad gudub iyo marooris jagooyinka Xildhibaanadda Beesha Digil mirifle ugu mid noqon lahaayeen Maamulka Jubbaland, isagoona taasi ku tilmaamey ku tumasho bareer ah xaquuqadii Beelaha DM ee jubooyinka.
” Dhawaan markii aan tagney kismaayo, waxaan ku heshiiney Axmed madoobe iyo inagga in si siman oo cadaalad ah looga wada qiib galo Hanaanka siyaasada Jubbaland, waxaan ogeyn oo kaliye in Beelaha DM in ay isaga baxeen shirka Kismaayo, hadana waxaan maqalney uun ku dhawaaqista xildhibaanada maamulka Jubbalanda, arintaasi, waxaan u aragnaa Xad gudub iyo Dulmi bareer ah” ayuu malaaq deerow.
Ugu dambeyntii Urur Goboleedka IGAD iyo maamulka Axmed madoobe ayaa ku howlan cabiranta beelaha soomaaliyeed ee Tirada badan isla markaana degan Gobolada Jubooyiinka iyagoona markii ay ka hadlaan xaquuq dooda la leexsadey loo hanjabo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo