Daawo: RW,CCC Sharmaake oo Muqdisho Dib Ugu Laabtay Kana Hadlay Arimo Muhiim Ah

0
227

Muqdisho(INO)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.

Ra’iisal Wasaraha iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay sadex maalin waxay ku joogaan dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madax dalkaas, waxayan kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay  madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal. Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada ballaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo  isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

SharmaarkeSharmaarke1Sharmaarke2Sharmaarke3Sharmaarke4Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here