Kaliil oo Kashifay Sirtii ugu Cajiibka Badneyd ee Maamulka Jubaland iyo Qorshaha Garbahareey

0
221

Gedo(INO)-Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan Garbahaarey ayaa laga soo xigtay in waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada fadhiya magaaladaasi ay ku howlan yihiin sameynta maamul la magac baxay Jubbaland oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen lagu doorto.

Kaliil

Wuxuu sheegay Kaliil in maamulkaasi uu noqon doono mid lagu dhiso rabitaanka shacabka ah iyadoo laga fogaanayo wax walba oo beelaha Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobalka Gedo oo uu ku tilmaamay inay yihiin walaalo iyo daris.

Maamulkani ayaa dhowaan looga dhawaaqi doonaa magaalada Garbahaarey oo uu ka soconayo shirka midnimada beesha Sade ee Midnimo.

“Maamul way dhisanayaan haddii ay ku heshiiyaan beelaha Jubbooyinka iyo Gedo waana loo wacayaa beelaha kale ee maqan si maamulka ay wax ugu yeeshaan oo ay qeyb kaga noqdaan” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Ilo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay gobalka Gedo ayaa xoghoose.com u sheegaya in maamulkani looga dhawaaqi doono Garbahaarey uu madaxweyne ka noqon doono nin u dhashay Mareexaan halka madaxweyne ku xigeenna loo wado beesha Sheekhaal.

Lama oga sida ay xaalku noqon doono iyo waxa uu ku jawaabi doono hoggaanka sare ee maamulka KMG Jubba ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

Idale News Online, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here