Daawo: RW CC & Mas’uuliyiin kale oo Feel dheer u galay Safaarada Britain ee Muqdisho

0
490

Muqdisho (INO)-Mas’uuliyiin uu hogaaminaayay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu maamuusaayay Dhalashada Boqorada dalka UK Queen Elizabeth II.

Mas’uuliyiinta uu Sharmaarke hogaaminaayay ayaa waxa ay isugu jireen Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan.

Mas’uuliyiintaani ayaa safaf dhaadheer u galay dhismaha Safaarada Britain ee ku dhextaal xarunta Xalane, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiinta Soomaalida oo qura lagu marti galiyay munaasabada.

Kaamirada ayaa qabatay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ugu horeeyo Ra’isul wasaaraha kuwaasi oo marba qeyb lagu sawiraayay, waxa ayna u muuqdeen kuwo lagu quruxsanaayay munaasabada.

Sharmaare oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada ayaa ugu hambalyeeyay Dhalashada Boqorada dalka Britain.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Dowladda Britain ay ka mid tahay Dowlaha sida weyn u taageera arimaha Somaliya, islamarkaana aysan ilaawi doonin. Boqorada Britain Queen Elizabeth II ayaa hadda jirsatay 90 sano.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
cc1

cc2

cc3

cc4

cc5

cc6

cc7

cc8

cc9

cc10

cc11

cc12

cc13

cc14

cc15

cc16

Idale News Online, Muqdisho