Daawo: Qaabka Degmada Xudur Loogu Soo Dhaweeyaay Madaxweyne Shariif Xasan

0
196

Xudur(INO)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku wajahan magaalada Xudur ee xarunt Gobolka Bakool si uu ugu guurgalo xaaladaha gobolkaasi xili ammaanka uu soo hagaagayo.

Xaaladda amniga ee degmada Xudur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana socoto qorshe lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Koonfurgalbeed iyo wafdi uu hogaamimnayo oo socdaal shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ugu horeysa xarunta gobolka ee Xudur.

Wariye Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku soo waramayaa in xaaladda amniga ee degmada Xudur ay tahay mid la isku halayn karo, waxaaana uu intaa ku daray in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Koonfurgalbeed.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here