72 Xildhibaan Oo Ka Tirsan BKGS Oo Guda Galaya Diyaarinta Mooshin Ka Dhanka Ah Madaxweyne Shariif

0
221

Baydhabo (INO)—Qaar ka  mid ah xildhibaanada baarlamaanka  Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay mooshin ka wadaan Madaxweynaha Dowlada KGS Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano gaaraya 72 xildhibaan ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ay hordhigi doonaan kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Mooshinkoodu uu ku qotomo la xisaabtanka Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay sheegeen inuu isku koobay awooda Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo arrimo ay ka md yihiin in wax laga weydiiyo ammaanka iyo isdabamarin arrimaha dhaqaalaha.

Hase yeeshee Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaan wali ka  hadlin mooshinka ay wadaan 72 xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya baarlamaan goboleedkii ugu horeeya ee qorsheeya in uu mooshin ka keeno Madaxweynahiisa.

Idale News Onlien, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here