Daawo: Prof. Jawaari oo Ka Hadley Guushii Uu Gaarey iyo Waxyaabaha uu qaban doono Mustaqbalka

0
174

Baydhabo(INO)- Prof.  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Ka Hadley Guushii Maanta  Uu Gaarey iyo Waxyaabaha uu u qaban doono Bulshada Mustaqbalka dhow isagoona sidoo kale u Mahadceliyey Bulsahadii Dooratey isla markaana waxa uu  Sheegey in wax badan  uu qaban doono.

Sideed Kursi oo ah Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa maanta lagu dooranaya magaalada Baydhabo, waxaana kursi walba u tartamaya labo illaa saddex musharax oo hal beel ka soo kala jeeda.

Dad badan ayaa isha ku hayay kursiga Xildhibaanimo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maadaama Shariif xasan uu dadaal badan ku bixinayay, sidii aanu ugu guuleysan laheyn, maadaama uu ka cabsi qabo inuu isku soo sharaxo mar kale xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guusha Jawaari ayaa waxay la macno tahay in tallaabtii koowaad ee Shariif Xasan uu qaadi lahaa Musharaxnimada Madaxweynaha ay sidaas daaqada uga baxdo, maadaama in Jawaari mar kale isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 Halkan Ka Daawo VIDEO