Daawo Muqaalka: Mooshin laga diyaariyay Madaxweyne Farmaajo

0
423

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah heshiisyada Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu la galay dowladaha caalamka qaarkood.

Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareyso 10 Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee lala galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay ku muujiyeen warqadooda in loo baahan yahay heshiisyadadaasi dood in laga furo oo Golaha Shacabka ay ka doodaan.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha ku saxiixan Warqadan ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay hor keeni doonaan Golaha Shacabka Mooshinkaasi si baarlamaanka uu uga hadlo.

Mooshinkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili isbadal siyaaadeed uu ka socdo Geeska  Afrika, ka dib markii madaxda dalalaka Ereteria, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeesheen wadahadalo maalmo socday oo lagu qabtay Magaalada Bahardar ee dalka Itoobiya.