Daawo Banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo dhimasho sababay

0
525

Dad aad ubadan ayaa isugu soo baxay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay kuwaas oo taageersan in Farmaajo xilka laga qaado.

Waxey wateen sawirada gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal waxaana ay ku qeexaayeen inuu yahay geesi aan gamban.

Waxey dalbadeen inuu madaxweyne Farmaajo is casilo oo uu ummada ka hor wareego, iyo sidoo kale inuu faraha kala baxo arrimaha gaarka ah ee mamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa Banaanbaxayaashu ay halmar la kulmeen isku dhac iyo rasaas waxaana la sheegaya geerida labo ruux iyo dhawaca 6 qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay dhamaan waa dad rayid ah.

Waxaa jira warar sheegaya in dadka la dilay ay dileen ciidamo milatari ah lamana yaqaano iney Mursal taageerayeen iyo iney Farmaajo taageerayeen.