Daawo Munaasabadii 1da Luulyo iyo Qudbadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiinta kale

0
178

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey isla markaasna ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayna goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa lagu qabtey garoonka kubada cagta ee Istaadiyo Koonis ee ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan ka hadleysa ka jeediyey halkaas ayaa sheegay in 1da Luulyo ay tahay maalin aad noogu weyn oo rag iyo haween sharaf mudan ay keeneen xuriyada iyo calanka aan maanta harsaneyso in dhabahooda la qaado.

Munaasadada 1da Luulyo ayaa meelo badan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu qabtey iyadoo si weyn ay Somalida u xuseen maalinta xuriyada gobolada Koonfureed iyo Israacii Waqooyiga iyo Koonfurta oo markaa ka xaroobey xeryadii gumeystayaasha Ingiriiska iyo Taliyaaniga oo Waqooyiga iyo Koonfurta Taliyaaniga ka talinaayey

somaliFlag

Idale News ONline Mogadishu, Somalia