3 ka mid ah Madaxweyneyaashii Jubaland ee laga awood roonaadey oo Muqdisho loo soo masaafuriyey

0
198

Ciidamada Kenya ayaa maanta saddex ka mid ah ragii sheegtay inay yihiin Madaxweynaha Jubaland u soo musaafuriyay magaalada Muqdisho, iyadoo labo diyaaradood ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo qaaday dhaawacyo gaaraya ilaa lixdan ruux oo dagaaladii u dambeeyay ku dhaawacmay.

iftiinBaasto

Dhaawacyada oo u badnaa dad rayid ah ayaa badankood la dhigay Isbitaalka AMISOM iyo Xalane, halka tobaneeyo kalena la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasoo lagu dabiibayo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay galabta keeneen Iftin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalley oo dhowaan ciidamada AMISOM isu dhiibeen, markii dagaalka ka dhacay Kismaayo looga awood roonaaday dhinacyadii ka soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe.

Sababahan raggan loogu soo musaafuriyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dambeysay markii laga cabsaday in magaalada lagu qaarijiyo, taasna ay si gaar ah mas’uuliyad isaga saareen ciidamada Kenya in meel ka baxsan Kismaayo geeyaan.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta ah mid degan, kadib saddex maalmood oo dagaalo iyo duqeymo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay magaalada, waxaana magaalada wali ka jira khilaaf siyaasadeed ka taagan maamulka magaalada

Idale News Muqdisho